Dhageyso: Abaarta Koonfur Galbeed Oo Xoogeysatey

0
199

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo waxaa maalin walba ku sii qul qulaya dad ay soo barakicisay Abaarta, kuwaas oo ku biiraya xerooyinka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah.

Mas’uuliyiin uu horkacayay ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo xubno kale ayaa waxa ay kormer ku tageen kaam ku yaalla Dulleedka Magaalada Baydhabo.

Maxamed Xasan Fiqi ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay dadka Abaarta ay saameysay in loo sameyn doono dib u dejin iyo gar gaar deg deg ah.