Daawo: Batuullo Sh. Axmed Gaballe: “Ragga boobay kuraasta dumarka hasoo xirtaan Dirac, Garbo-saar, Rajastiin iyo Gorgorad haddii kale”

0
238

Muqdisho(INO)- Haweenka Soomaaliyeed oo shir ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay uga soo horjeesteen kuraas ay dumarka lahaayeen oo maamul goboleedyada rag ka siiyeen, waxayna arrintaas ku tilmaameen mid caddaalad darro ah oo aaney aqbali karin.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gaballe oo dadkii ka hadlay shirka ugu hadalka kululeyd ayaa sheegtay in ay arrintaas aqbali karaan oo kaliya marka ragga kuraastooda qaatay ay ku soo labistaan Dirac, Gabo-saar iyo Gorgoro.

“Kursi gabar ay leedahay ninka boobay hallooga tacsiyeeyo oo la hala yiraahdo kursigan gabar ayaa iska leh ama Dirac, Gabasaar, Gorgorad, Rajastiin iyo Garbasaar hasoo xirto”ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe.

Batuulo ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay ku maqan yihiin xubno ay saxiixeen madasha hoggaamiyayaasha, waxayna ku celcelisay in ay kuraastaas sugayaan. “Koofur Galbeed waxaa ku maqan 5 kursi, Puntland 4 kursi, Galmudug 2 xubnood, Hirshabeelle 1 xubin iyo Jubbaland oo ay ku maqan tahay 1 xubin”ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe.

Shirkan ayaa wuxuu ahaa mid haweenka ay uga cabanayeen tacaddiga lagu sammeeyay kootadoodii ay qeyb ahaanta u heleen, si gaar ahna waxay ugu taageerayeen Caasho Xaaji Cilmi oo  sida shirka laga sheegay laga musuqmaasuqay kursi iyada loo soo xulay.