DEG DEG: Al-Shabaab Oo Dhacay 70 Neef Oo Geel Ah

0
204

Hiiraan(INO)- Wararka naga soo gaaraya degaanka Buurweyn  oo ka mid ah degaanada Hoos yimaada Magaalada Buulo -burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhaceen Geel lagu qiyaasay tiradiisa 70 neef.

Dhacista Geella ayaa timid ka dib  markii Al-Shabaab ay dadka degaanka ay waydiisteen in ay bixiyaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka , islamarkaana ay diideen dadka xoolo dhaqata ah ee kunool degaanka Buurweyn.

Mid ka mid ah dadka kunool degaanka Buurweyn ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Al-Shabaab ay ka dhaceen geelihii ay haysteen .

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray xiisado u dhaxeeya Al-Shabaab iyo sidoo kale  dad xoolo dhaqato ah oo diiday in ay bixiyaan waxa ay Al-Shabaab ugu Yeeraan Zakawaadka.

Galbeedka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhacay dagaallo ay ku dhinteen dad badan oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo sidoo kale dad xoolo dhaqato ah.

Sidoo kale waxaa uu dagaal ka dhacay degaanka Dumaaye oo hoos yimaada degmada Xarardheere.

Dhammaan dagaaladaasi waxa ay ka dhasheen bixinta Waxa ay Al-Shabaab ay  ugu yeeraan Zakawaadka.