Dhageyso:Jubbaland Oo Ka Hashay Shabaabka Isku soo Dhiibay

0
247

Kismaayo(INO)- Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay xubno ka tirsan Shabaab oo isku soo dhiibay Laamaha Amaanka Maamulka Jubbaland.

Xubnaha Shabaab ka tirsanaa ee isku soo dhiibay Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed C/kariin Cali iyo Sheekh Maxamed Sheekh Cabdi oo Labadoodaba Shabaab ka raacay Degaanada Jubbaland.

Korneel Axmed Muuse Xirsi Taliyaha Hogaanka Dambi baarista Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay xubnaha Shabaabka ee Jubbaland isku soo dhiibay in ay wateen Labo Qori oo AK-47 ah iyo Booshashkooda.

Sidoo kale Taliyaha ayaa xubnaha Shabaab ka tirsan ugu baaqay in ay isku dhiibaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, si cafis guud loogu sameeyo.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale waxaa Maamulka Jubbaland isku soo dhiibay xubno ka tirsanaa Shabaab, kadib markii ay sheegeen in dhibaatooyin fara badan ay la kulmeen.

Halkan Ka Dhageyso