Muqdisho ( INO)-Dagaalkaan oo qaatay saacado badan ayaa waxa uu ka dhacay duleedka Magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Inta la og yahay 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay tira kalana way ku dhaawacantay waxana dagaalka uu yimid kadib markii sida wararku ay sheegayaan al-shabaab ay 100 halaad ka qaateen dadka deegaanka.
Goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa yaaqhulaal oo qiyaastii 50 Km uga beegan dhinaca galbeed magalaada kismaayo.
Iyadoona la soo warinayo in uu u dhaxeyay Al-shabaab iyo dadka xoolaha laga qaatay.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan maamulka juba-land oo si hoose ula hadlay Warbaahinta o ayaa shaaca ka qaaday in uu isasa soo dhiibay madaxii Sakawaatka ee xarakada Al-shabaab ee gobollada jubooyinka kaasi oo Magaciisa ay ku soo koobeen Sheekh Maxamed.
Saraakiisha yaa intaas raaciyay in uu sheekhaan ugu yimid deegaan la yiraa cabdalla biroole oo hoos taga gobolkaasi isla markaasina ay ku soo bandhigeen manta Magaalda kismaayo.
Si kastaba ilaa iyo haatan kama aynan hadlin arrimahaasi xarakada Al-shabaab walow wali ay ka taagan yihiin duleedka kismaayo xiisadaha dagaal ee labadaas dhinac u dhaxeeya.