Dhageyso+Sawiro: Barakacyaal Biyo La’aan Ku Haysato Gudaha Magaalada Baydhabo

0
257

Baydhabo(INO)-Kadib biyo la’aan baahsan oo ka jirta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay iyo Degaaano Ku dhow dhow  ayaa sababtay in degaannadaasi lagaa barakaco.

Dadka Barakacyaasha Ah ee Ku jira Kaamamka Magaalada Baydhabo ayaa soo wajahay  Biyo la’aan bahsan kuwaasoo aysan aboodin inay iibsadaan Biyaha lagu Soo dhaaniyo Gaari dameerada  Kuwaasoo la Siinaayo Halkii Barmiil  50. 000 Sh. Som. Iyaga oo awalba ku  adkeyd Raadinta Noolasha.

Idale News Online Ayaa gaartey Kaamka Shiimo Tiyeeglow oo ku jiro Boqolaal Barakacyaal ah oo ka soo Hiyaamey Abaarta iyo Biyo La’aanka Ka Jirta Gobolka Bay ayaa waxay Codsadeen in Biyo Dhaamin Loo Sameeyo.

Waxaa laga digey inay ka dhalan karto Biyo la’aantan Macluul iyo Caduruo Kala gedisan.

Halkan Ka Dhageyso

Wariye Maxamed Aaden Socodaal, Idale News Online, Baydhabo

Idale News Online, Baydhabo