Daawo: Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Shabaab oo ku dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

0
206

Kismaayo(INO)- Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa hawlgalo la qorsheeyay shalay ka fuliyay deeganada Xeer-Xaani, Kaamjaroon iyo Golashimbi, waxaana looga gol lahaa sidii looso furan lahaa xoolo ay Al-Shabaab ka dhaceen dadka deeganka.

Xilli baadi-goobka xoolahaasi uu socday ayaa waxaa uu dagaal adag ku dhex maray deeganadasi ciidamada maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab, sida ay xaqiijiyeen sarakiisha ciidamada Jubbaland, waxaana Al-Shabaab dagaalkaasi lagaga dilay 15 maleeshiyad ah iyo horjoogahii dagaalka hoggaaminayay oo isagoo dhaawac ah ay ciidamadu gacanta ku dhigeen kadibna dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday.

Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa howlgalkaas kaga dhintay hal askari, labo kalana waa ay
kaga dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiishu.

Howlgalkaasayaa waxaa lagu soo furtay xoolo badan oo geel u badan yahay, ayna lahaayeen dad xoolo dhaqato ah ee deegaanka daggan kuwaas oo ay Al-Shabaab xoolahaasi uga qaateen qaab Zako xoog ah.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa shalay shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada waxa uu u sheegay in howlgalkaasi uu socon doono ilaa laga soo wada furto xoolaha kale ee maqan ee laga dhacay dadka deegaanka.