Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in wax kasta ay ka hormarinayaan ammaanka

0
219

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladu ay wax kasta ay ka horumarineyso sugidda Ammaanka dalka, isagoo wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in dalka Soomaaliya uu gabbaad u noqdo ajaanib dambileyaal ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in Sharafta dadka Soomaaliyeed lagu ilaalinkaro amaanka oo la xaqiijiyo, isagoo xusay in wax walba ay ka hormarinayaan amniga.

‘’ Wax kasta waxa ugu horeeya waa amniga waxa ugu horeeya een horumarineynana waa amniga, Nolol, Sharaf, Karaamo iyo mushaar fiican amniga ayeey ka dambeeyaan’’ Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dalkan ay leeyihiin Muslimiinta Soomaalida ah, sidaasi oo kalena muslim kasta uu leeyahay dal gooni ah, wuxuuna intaa ku daray madaxweynuhu in qof aan Soomaali aheyn uu yahay Ajnabi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan u jeediyay cutubyo ka mid ah Ciidamada XDS mar uu shalay booqanayay xarumaha ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada XDS.

Idale News Mogadishu