Qabanqaabo xoogan oo lagu soo dhaweynayo R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka soconeysa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa saaka ka socda Qabanqaabo iyo diyaargarow balaaran oo lagu soo dhaweynayo R/waaaaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo la filayo in uu dhawaan booqdo halkaasi.
Wadooyinka magaalada Kismaayo ayaa lagu dhejiyay Sawirada R/wasaaraha, iyadoo soo dhaweynta R/wasaaraha iyo wafdigiisa ay si wadajir ah ugu diyaargaroobayan Maamulka iyo dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo.
Maalintii shalay ayaa waxaa magaaladaasi gaaray wafdi uu hogaaminayay Wasiirka arimaha gudaha kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Ksimaayo, waxaana la filayaa in R/wasaare Saacid oo dhawaan booqdo magaalada Kismaayo.
Idale News Mogadishu