Gudoomiyaha Barlamanka oo Beydhabo kulamo kula leh qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada

0
235

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee dalka mudane Maxamed Cismaan Jawari ayaa maanta kulamo la qaadanaya saraakiisha ciidamada AMISOM , Ethiopia iyo qeybaha bulshada ee ku sugan magaalada Beydhabo.

Afhayeenka Baarlamanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Baay ayaa la qorsheynayaa in uu maanta si kala gooni gooni ah ula kulmo Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia oo uu kala hadli doono sidii loo adkeyn lahaa amaanka.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha bulshada ee ku nool magaalada Beydhabo, isagoo shalay si guud ula hadlay bulshada reer Beydhabo kuwaas oo si diiran shalay u soo dhaweeyay Prof. Jawaari iyo wafdigiisa.

Idale News M ogadisho