Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Mudane Xasan Shiikh ayaa kormeer guud ku tagay Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Xarunta Taliska Xoogga Dalka ee Villa Baydhabo.
Madaxweynaha oo kormeerkiisa Gobolka Banaadir ku aadan maanta ayaa soo indha indheeyey xaaladda guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas oo uu kula kulmay Saraakiisha iyo qaar ka mid ah ciidanka xoogga Dalka.
Waxaa uu la hadlay ciidamada xooga dalka, isagoo ugu baaqay inay dhowraan sadexda wax ee ay ku dhaartaan oo ah Dalka, Diinta iyo Dadka.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey in Ciidanku uu dhowro Asluubta iyo Anshaxa Xoogga Dalka wuxuuna sheegay in Ahmiyadda koowaad ee dowladdu ay tahay Amniga dalka lagana doonayo Ciidanka Xoogga inay keenaan.
“U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo. Cidina kama sareyso Sharciga. Askarigii Dambi galena Maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana lala keenayaa Sarkaalkiisa”
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan dowladi jiri Karin Amni la’aan,“Waana inaan si wadajir ah oo iskuduubni leh u difaacnaa Dalkeena, kana caabinna Cadowga gudaha iyo Dibadaba”
“Isbedelka Ciidankeena waad garan kartaan, Shalay maanta ayaan ka fiicanahay, Berrina Guul waarta ayaan gaareynaa Insha Allah”
Waa kormeerkii u horeeyay ee Madaxweynuhu ku tago xeryaha ciidamada tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada sanadkii hore, iyadoo ku soo beegmeyso markii dhowaan is bedel dhinaca hogaanka ah ku sameeyay Taliska xooga dalka.
Idale News Muqdisho