DEG DEG +Aqriso War Saxaafadeed: Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Oo Qaadhacey Go’aankii Gudiga Xalinta Khilaafaadka Somalia

0
236

Baydhabo(INO)-  War Saxaafadeed Oo Goordhow ay soo saareeen Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa lagu Qaadhacey Go’aankii Maanta Gudiga Xalinta Khilaafaadka Ee Doorashoyinka Soomaaliya ay ku sheegeen in 5 Mudane oo laga soo doortey Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay baabi’yeen Gebi haan Natiijada Doorashooyinkaas.

Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaaliya ayaa war saxaafadeedkoodu ay ku sheegey in GXKH ay sameeyeen Musuq Maasuq baahsan isla markaaana ay bartil maamadeysteen Sida hadalka ay u dhigeen Mudanayaasha Aqalka Hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale war Saxaafadeeda Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed  ayaa lagu sheeegey in aysan qaban doonin Doorashada 5 kursi ay soo celiyaan GXKH Ee Soomaaliya.

GDKG ayaa waxay sheegey in doorashooyinkii ka dhacey Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u dheceen Si Xur iyo Xalaal ah isla markaana ay waa fuqsan yihiin Sharciga iyo Heshiiyadii Madashada Hogaanka Qaranka Ee Soomaaliya.

Halkan Ka Aqriso Warsaxaafadeedka Gudiga

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo