Magaalada Kismaayo oo dil loogu xukumay nin dilay Oday 60 jir ahaa

0
233

Kismaayo(INO)- Maxkamada Gobolka Jubbada hoose ee Maamulka Jubbaland, ayaa xukun dil ah ku riday nin ku eedeysnaa inuu horay dil uga geystay Magaalada Kismaayo.

Eedeysanaha ayaa la horkeenay maxkamada horteeda halkaasi oo uu ka qirtay inuu geystay falka dilka ah sida uu sheegay Garsooraha Maxkamada Gobolka Jubbada hoose.

Eedeysanaha falka dilka ah geystay ayaa lagu magacaabaa Cumar Faarax Ismaaciil wuxuuna horay u dilay C/raxmaan Maxamuud Carab oo 60 jir ahaa, kaasi oo dilkiisa uu u adeegsaday Tooreey.

Dilka Cumar Faarax Ismaaciil uu geystay ayaa dhacay 4-tii Bishii November, kadib markii C/raxmaan iyo ninka la dilay ay ku wada murmeen arimo ku saabsan cida ay u dooranayaan Xildhibaanimada, labadooduba waxa ay ka wada tirsanaayeen Ergadii doorashada Magaalada Kismaayo.

Cumar oo ah ninka dilka geystay ayaa wuxuu jiraa 67-sano, ninka uu dilayna waxa uu jiray 60-sano, maxkamada ayaana ku dhawaaqday xukunka Cumar inuu yahay dil toogasho.

Garsooraha Maxkamada ayaa sheegay inuu u furan yahay Cumar qaadashada racfaan ku aadan xukunka ay maxkamada ku riday, hadii uusan ku qanacsaneyn.

Xukunkaasi waxaa soo dhaweeyay Ehelada marxuumka horay loo dilay oo markii horeba dalbaday in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha.