Militariga Somalia oo sheegay in ay dileen xoogag ka tirsan Al-shabaab

0
186

Goof Gaduud(INO) – Saraakiisha ciidammada dowladda ee ku sugan gobolka Baay ayaa warbaahinta u sheegay in ay dilleen tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab kaddib dagaal culus oo maanta ka dhacy dulleedka magaalada Baydhabo.

Gen Ibraahim Yaroow oo ah taliyaha qeybta Lixdanaad ee ciidammad xoogagga dalka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ay dileen 10 ka mid dagaalamayaasha Al-shabaab oo kaddib weerar lagu qaaday saldhig ciidammada dowladda ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30km u jirta Baydhabo.

Taliyaha ayaa sheegay in deegaannadii lagu dagaalamay ay hadda gacanta ku hayaan ciidammada dowladda, islamarkaana soconayaan baaritaanno aya wadaan ciidammada militariga.

Ugu dambeyntii, Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac xarrakada Al-shabaab oo la xiriira dagaal maanta ka dhacay deegaanka Goofgaduud.