Muqdisho(INO)— Khilaaf iyo is qab qabsi cusub ayaa ka dhashay Kursiga Beesha Agoon ee Xawaadle ku laheyd Aqalka Hoose, iyadoo khilaafkan uu saameeyay dhinacyo kala duwan oo isugu jira Maamulka Hirshabeelle iyo Guddiga doorashooyinka.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Kursigan oo ay ku tartamayaan siyaasiyiin uu ka mid yahay C/llaahi Goodax Barre uu khilaafkiisa gaaray heer Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble uu soo fara geliyay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Jufooyinka Beesha Agoon ay wali isku haystaan saami qaybsiga ergada, iyadoo la soo sheegayo in siyaasiga Godax Barre uu ergo uu qortay diyaarad uga keenay Beledwayn.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa la sheegayaa inuu la safan yahay Mr Goodax, isla markaana wax ka og yahay ergada laga keenay Beledweyn.
Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo taageeraya C/llaahi Goodax Barre ayaa la sheegay in ergooyinka ugu badan ka soo qoray Beledweyn, kuna amray inay codka siiyaan Goodax, taasoo mar dambe ku baraarugeen Musharaxiinta kale.
Qaar ka mid ah Musharaxiinta la tartamaya Goodax ayaa ku doodaya in ergada qaar ee laga keenay Beledweyn aanay aheyn kuwo saxda ah, isla markaana ay ku jiraan kuwa uu si gaar u qortay Goodax.
Guddiga doorashada ayaa lagu wadaa inay dib u dhigaan doorashada Kursigan, hase ahaatee cadaadis laga yaabo inuu uga yimaado Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhici karta in kursiga dib loo dhigi waayo oo maalinta Isniinta ee soo socota tartankiisa laga dhigo.
Kursigan ayaa waxaa isku haya illaa shan musharax oo qaarkood ay taageereyso Madaxtooyada oo dadaal badan ku bixineysa sidii aanu Goodax ugu soo bixi laheyn.