Baydhab(INO)- Barre Cusmaan Xussen ayaa Beeniyey in uu la tartamay Cabdi-wali Sheekh Muudey oo ah wasiirka shaqada iyo Arimaha bulshada Ee DFS waxaana uu sheegay Barre in uusan ku sugneen goobta ay doorashada ka dhacday isagoona xusey in musuqmaasuq uu ka taagan yahay ergooyinka waxana uu sheegay in ergooyinka
Wasiirkada ku soo baxay ay ahaayeen kuwa aan matalin beesha Reer Aw-xasan balse ay ahayeen kuwa la laaluushay Barre ayaa Fariin u direy gudiga doorshada heer Fedraal maadaama uu ku hungoobay Guddiga Doorshada Konfur-galbeed waxana Xusid mudan in Wali aysan Bixin ergooyinka Shabellaha hoose iyadoo musharaxiin tooda wali Qaar aysan isdiiwan galin kuwa kalena ay kusugan yihiin magalada Baydhabo balse muudeey iyo gudoomiyaha Gudiga doorshada Koonfur Galbeed Maxamed C/laahi Mursal ay ku heshiyeen in ay Afgambi ku sameeyaan Xuquuqda Reer ow Xasan waa sida hadalka u dhigey e.
Ugu dambeyntii, Bare Cismaan ayaa Ku Baaqay in arintan Baritaan lagu sameeyo islamrkana Gudigada Doorashada Heer Fedaral ay wax ka qabtaan.