Muqdisho(INO)- Laba nin oo ku labisnaa dareyska Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxaa caawa lagu dilay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Degmadaasi oo ka shakiyay raggaasi, ayaa waxay ku amrayn inay hubka dhigaan, laakiin ay biyo diideen, iyadoona uu agagaarka Beerta Qaadka uu iska horimaad ku dhex maray.
Ciidamada ammaanka, ayaa toogasho ku dilay labadaasi nin, waxayna kala wareegeen hubkii ay wateen. Shakiga loo dilay wuxuu ka dambeeyay, markii ay soo baxeen warar sheegaya inay dhac ka gaysteen goob ganacsi.
Ciidan dheeraad ah oo goobtaasi gaaray, ayaa xiray wadooyinka soo gala halkii uu falku ka dhacay, waxayna muddo kooban ay hakad-geliyeen dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidkuba.
Sarkaal Booliska Degmada Hodan ka tirsan, ayaa sheegay in muuqaalka labadaasi nin uu ku cusbaa deegaanka, isla-markaana ay diideen inay hubka dhigaan.
Goobjooge, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay goobtaasi ka qaadeen meydadka labadaasi nin, iyagoo geeyay Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID), si halkaasi baaritaano hubin ihi loogu marsiiyo, waxa ay yihiin.
Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa si joogto ihi loogu eedeeyaa inay xilliyada habeenkii dhac ka gaystaan goobaha ganacsiga, sidoo kalana ay dadku ku baartaan wadooyinka mugdiga ah, inkastoo ay Saraakiishoodu waxba kama jiraan ku sheegaan eedeymahaasi.