Donald Trump oo sheegay in uu haysanayo qeybo ka mid ah adeegga “Obamacare”

0
227

NY(INO)- Ninka loo doortay madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa sheegay in ay u furan tahay in uu daayo qeybo ka mid ah barnaamijka caafimaadka ee uu sameeyay madaxweyne wali talada haya ee Barack Obama.

Donald Trump ayaa si weyn ugu ololeeyay in uu meesha ka saari doono barnaamijka madaxweyne Obama ee ku aaddan in shacabka Maraykanka ay helaan adeeg caafimaad oo qiimo ahaan ay awooddaan.

Waxa uu mar hore sheegay in barnaamijkaasi oo loo yaqaano ObamaCare uu yahay mid musiibo ah, fekerkaasi oo ay la qabaan madaxda xisbiga Jamhuuriga.

Balse madaxweynaha la doortay ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Wall Street Journal waxa uu ku sheegay, in ay su badan tahay in uu daayo qeybo ka mid ah barnaamijkaasi, oo uu ku tilmaamay mid uu “aad u jecel yahay.”

Mr. Trump ayaa hadda u muuqda mid ka laabtay dhowr ka mid ah ballanqaadyadii uu sameeyay markii uu ololeynayay.