Maxay Ciidamada Ethiopia uga baxeen degmooyin ka tirsan Soomaaliya ?

0
216

Baydhabao(INO)-Ciidamo Ethopia-yaan ah oo aan ka tirsaneyn Howlgalka AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka baxay deegaano iyo dagmooyin ka tirsan Gobolada Hiiraan, Bakool, Galgaduud, kuwaas oo in mudo ah gacanta ku hayay deeganadaas, iyadoo qaar kamid ah deegaanada ay baneeyeen Ciidamadaas ay la waregeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Siyaasiyiinta falanqeya arimaha siyaasada Soomaaliya ayaa sheegay in larumaysan yahay in Saddex arin ay Dowladda Ethiopia ay Ciidamadeeda ugala baxday Soomaaliya.

“Dowladda Ethiopia waxay doonaysaa in Dowladda cusub ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ay tusto inaysan ka maarmin Ciidamda Ethopai kadib markii Al-shabaab ay la wareegeen degaano badan oo katirsan dalka, madaxweynaha cusub waxay taasi ku qasbeysaa doorashadiisa kadib inuu tago adis Ababa si xukuumadaas u waydiisto kaalmo ciidan”

“Muran soo kala dhax galay saraakiisha Ciidmada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya kuwaas oo kala taabacsan qoomiyadaha Ormada iyo Tigree, Taaasi oo kentay in Ciidmada milatariga Ethiopai ay ku dagaalamaan degmada Ceelbuur iyo Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud, waxayna saraakiisha Ciidamda lagu amray in ay dib uga laabtaan dalkooda si halkaas loogu xisaabiyo”

Arinta ugu weyn ee lawada ogyahay ayaa ah “ Rabshada iyo banaan baxyada ka jira dalkaas oo sameen xoogan ku yeelatay xukuumada iyo shacabka dalkaas, iyadoona Dowaldda dalkaasi u baahatay in Ciidamda ka jooga Soomaaliya ay ku difaacato jiritaankeeda”

Hayeshee Wasiirka Warfaafinta dalkaas waxa uu qiijiyay in sababta ay uga baxayaan ay tahay oo kaliya in dalkiisa u baahan yahay Ciidamo dheeri ah oo ka qayb qaato xasilinta dalkaas.