Xaafadda Calanleey ee Magaalada kismaayo oo Saaka la soo Dhoobay Cidamo aad u fara Badan

0
232

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada Hoose ayaa sheegaya in saaka Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka la soo dhoobay Xaafadda Calanleey ee Magaalada kismaayo kuwaasoo halkaa ka wada hawl galo baaritaana ah.

Soo Dhoobista Ciidankan ayaa timi sida ay wararku sheegayaan ka gadaal markii habeenkii xalay aha halkaas lagu Dilay laba Askeri oo ka tirsanaa ciidamada maamulka.

Ciidamada saaka ka hawl galaya Xaafaddaas ayaa waxa ay baarayaan Guryaha iyo waliba gaadiidka iyo Dadka halkaa maraya iyadoona dadka la weeydiinayo Su’aalo kala duwan.

Ciidanka goobtaas ka hawl galaya ayaan illaa iyo iminka shaacin cid loo soo qabtay dilkii xalay halkaa ka dhacay iyadoo welina ay baadi goobkii ku jiraan.

Mar Xiriirr lala sameeyay Saraakiisha Hoggaaminaysa hawl galadaas ayay ka gaabsadeen in haatan ay ka hadlaan hawl galkooda iyagoona sheegay in marka uu soo gaba gaboobo in ay ka hadli doonaan.

wixii warar ah ee ku soo kordha hawl galka iminka ka soconaya Magaalada Kismaayo wararkayaga danbe ayaad kaga bogan doontaan.

Idale News Muqdisho