Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo AMISOM oo markii ugu horeysay gaaray Gobolka Galgaduud

0
224

Wararka naga soo gaaraya  Magaalladda Beled-weyne ayaa waxa ay sheegayaan inay halkaasi saakay ka ruqaansadeen Ciidamo isugu jira Militeriga Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan, Kornayl Cismaan Dubbad ayaa hor kacayay Ciidamadaasi oo aad u hubeysan ayaa waxa ay u jiheesten Qeybo ka mid ah Gobolada Dhexe ee Somalia.

Ciidamadaasi waxay fariisimo KMG ka dhigan doonan  Magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamadaasi oo tiradoodu Boqolaal tahay loogu talagalay inay sugaan Ammaanka Guud ee wafdi ka socda Dowladda Somalia oo lagu wado inay dhawaan Booqasho ku tagaan Magaallo-Madaxda Gobolka G/gaduud ee Dhuusamareeb iyo degmada Guriceel.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Axmed Yuusuf Xasan ayaa Xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo AMISOM lagu soo dhaweeyay Guriceel, wuxuuna Xusay inay qaar ka mid ah Ciidamadaasi u sii gudbeen Magaaladda Dhuusamareeb.

Maamulka Ahlusunna Wal-jameeca ee gacanta ku haya inta badan Gobolada Dhexe ee Somalia, waxay isbahaysi wada-shaqeyneed la leeyihiin Dowladda Federalka, iyagoo horay ugu baaqay Dowladda inay Qarameeyaan Ciidamadda Ahlusuna Wal-jameeca, isla markaana ay mushaar iyo tababar siiyaan Ciidamadooda.

Idale News Muqdisho