Madaxweynaha Soomaaliya oo caawa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qadar (Sawirro+Video)

0
214

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qadar, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ah tii u horeysay tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha bishii September ee sanadkii hore, iyadoo Qadar horay ugu deeqday lacago doorashadii kadib.

Safarka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliyay Raisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiika Arimaha Dibadda Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Suleymaan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Taliyaha Nabadsugidda Axmed Macallin Fiqi iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Nuur Tarzan.

Daawo Video-ga soo dhoweynta Madaxweynaha ee Doxa

[vsw id=”MdDtoDcJfVg” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

madaxweynaha-qadar (4)

Madaxweynaha ayaa wuxuu ka helay casuumaad rasmi ah Amiirka Qadar Sheekh Xamad Bin Khalifah, wuxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Qadar.

madaxweynaha-qadar (1)

madaxweynaha-qadar (2)

madaxweynaha-qadar (3)

Idale News Muqdisho