Ciidamo kasocda Midawga Afrika oo maanta u kicitimay qeybo kamid ah Galguduud

0
209

Boqollaal ciidamo aad u hubaysan oo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka loo diray magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Guriceel ee gobalka galguduud, sida ay xaqiijyen saraakiisha ciidanka AMISOM.

Ciidamadaasi ayaa waxa ay ka anba bexeeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee loo diray Galguduud ayaa xaqiijinaya amaanka magaalooyinkaasi iyada oo lagu wado in madax sare oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya maalmaha soo socda gaaraan qeybo ka tirsan gobolka.

Kornayl Cismaan Dubbad, Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan, ayaa hor kacayay ciidanka oo ka ambabaxay saldhigyadooda magaalada Beledweyne.

Idale News Muqdisho