Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda dalka Qadar

0
236

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta u dhoofo dalka Qadar, kadib markii casuumaad uu ka helay.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu dalkaas ku tago, iyadoo Qadar si weyn u taageertay doorashadii bishii September ee sanadkii hore.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kula kulmi doona magaalada Doxa Amiirka dalkaas, waxaana ay kala hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir ayaa horay booqasho ku tagay dalal ka tirsan Khaliijka sida Qadar iyo Kuwait, waxaana booqashadiisa loo arkayay mid horu dhac u aheyd booqasho Madaxweynaha ku tagi doono dalalkii uu tagay Mr Faarax.

Faarax C/qaadir ayaa mudooyinkan dambe ka shaqeynayay xiriirka carabta iyo dowladda Soomaaliya, maadaama uu aad ugu xeel dheer yahay arrimaha Carabta iyo galaan galkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lixdii bilood ee uu xilka hayay safaro dibada ah ku tagay qaaradaha Yurub, Ameerika, Afrika iyo Asia, waxaana uu horay u tagay dalka Sacuudiga oo ka mid ah dalalka Khaliijka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaal ay ku xoojineyso xiriirka arrimaha Carabta, gaar ahaan dalalka Khaliijka oo lagu tilmaamo dalalka ugu yabooha badan ee dhinaca dhaqaalaha.

Idale News Muqdisho