Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kulmaya golaha shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha oo hortagaya

0
211

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka ku kulmaya xarunta Golaha shacabka, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu hortagi doono si uu khudbad uga jeediyo, kadib markii shalay si rasmi ah loo furay kalfadhigii labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay ka sheegay furitaankii kalfadhiga labaad ee baarlamaanka in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay hor imaan doonto baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jeedin doono baarlamaanka khudbad ku saabsan siyaasada, dhaqaalaha dalka iyo iyo howlaha xukuumada qabaneyso, si baarlamaanka ula socdo waxyaabaha ay xukuumadu dooneyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay kalfadhiga ayaa ku ammaanay Mudanayaasha baarlamaanka howlihii ay qabteen iyo waajibaadka ay guteen, isagoo u cadeeyay in wax khilaaf ah aanay ka taagneyn dowladnimada, kala sareynta sharciga iyo midnimada, isla markaana isaga iyo Gudoomiyaha iyo Ra’iisul wasaaraha saaxib ku yihiin howsha qaran ee dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishan Maarso horyaala ajandayaal dhowr ah, iyadoo intii fasaxa ay ku maqnaayeen uu jiray olole siyaasadeed ka socday magaalada Nairobi, kaasoo xildhibaano caan ka ahaa masraxa siyaasadeed ay wadeen.

Idale News Muqdisho