Kooxo hubeysan ayaa saaka gabar dhalinyaro ah oo wax ka barata mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho ku dilay nawaaxiga Dugsigii Maxamuud Xarbi ee degmada Wardhiigley.
Gabadhan oo da’deeda lagu sheegay 18-20 ayaa magaceeda lagu soo gaabiyay Ayaan, waxaana dilay labo dhalinyaro oo bastoolato ku hubeysneyd, kuwaasoo rasaas kaga dhiftay qeybaha sare ee jirka.
Mid ka mid ah dadka ku nool xaafada ayaa sheegay in gabadha la dilay saaka iyadoo u kalaheysay Jaamacada Jazeera oo ay wax ka barato.
Lama oga kooxaha dilka ka dambeeyay, inkastoo ay baxsadeen kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana dilkan uu qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee ka dhaca qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Taliska Booliska degmada Wardhiigley oo lala xiriiray dilka kadib ayaa ka gaabsaday, waxaana inta badan aan dhicin in ciidamada ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dilka geysta.
Dadka deegaanka ayaa aad uga naxay dilka gabadhan da’da yar ee Ardayad aheyd loo geystay.
Idale News Muqdisho