Daawo Sawirrada Askar ka tirsan AMISOM oo Kubad kula ciyaaraya caruur afaafka degmada Buurhakaba

0
208

Askar ka tirsan AMISOM, gaar ahaan ciidamada ka socda Uganda ayaa afaafka hore ee degmada Buurhakaba Caruur kula ciyaaray kubad, iyagoo qaar ka mid ah ciidamada ay ka soo dageen Kolonyo ay la socdeen.

Caruur da’dooda u dhaxeysay 8-13 ayay askarta u tageen, iyagoo meel barxad ah oo banaanka Buurhakaba kubad ku ciyaarayay, iyagoo la kala saftay caruurtii kubada ciyaareysay, halkaasoo ku dhowaad nusa saac ay kubad wada ciyaarayeen.

Askar ka mid ah ayaa goosha waardiye ka noqday, kaasoo goolka ahaa mid caruurta ay ku xireen labo ulood iyo xarig, si ay tilmaam ugu noqoto shabaqa ama goolka.

Maalintii Arbacadii ayay aheyd markii Ciidamada AMISOM la wareegeen degmada Buurhakaba oo ku dhowaad saddex sano ay ka talinayeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamada u muuqda kuwo doonaya inay kasbadaan shacabka deegaanka si ay wada shaqeyn uga heleen.

Saraakiisha AMISOM oo la kulmay Odayaasha dhaqanka ayaa u balan qaaday inay ka caawin doonaan dhinacyada caafimaadka iyo biyaha, isla markaana ay dib u abuuri adeega guud ee lagama maarmaanka u ah bulshada.

buurhakaba-banooni (1)

buurhakaba-banooni (2)

buurhakaba-banooni (3)

Idale News Muqdisho