C/llaahi Ciil-mooge Xirsi wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay safaro shaqo uu ku tagay magaalada Barcelona ee dalka Spain kaas oo lagu looga hadlayay hormarka isgaarsiinta caalamka.
Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxaana markii uu ka soo dagay garoonka uu saxaafadda uga warbixiyay shirkii ay uga soo qeyb galeen wadanka Spain.
“waxaan ka soo qeyb galay shir weyne ay isugu yimadeen wadamada caalamka kaas oo looga hadlayay hormarka isgaarsiinta, waxeyne Soomaaliya ka heshay aqoonsi badan shirkii lagu qabtay magaalada Barcelona” ayuu yiri wasiirka.
Mudane C/llaahi Ciil-mooge Xirsi wasiirka wasaaradda warfaafinta Isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa dadaal ugu jiro sidii uu hormar u gaarsiin lahaa isgaarsiinta dalka, waxaana shirkan uu ka qeyb galay uu yahay mid sanadkiiba la qabto mar.
Idale News Muqdisho