Maxkamad ku taal Garowe oo maanta dil ku xukuntay labo nin lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

0
222

Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Gobolka Nugaal ayaa maanta xukun dil ah ku riday labo nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kadib markii dhamaadkii sanadkii hore lagu qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa. Labada nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Aadan iyo C/risaaq Xuseen Tahliil ayaa labadaba lagu qabtay magaalada Galkacyo bishii November ee sanadkii hore, markii ciidamada amaanka ku qabteen hub, rasaas iyo walxaha qarxa. Xeer Ilaaliyaha Maxkamada C/llaahi Cilmi ayaa sheegay in labada nin ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in Maxkamada ku riday xukun dil toogasho ah, waxaana Maxkamada horteeda lagu soo bandhigay cadeymaha lagu qabtay ee ahaa walxaha qarxa iyo agabyada kale.mQareenada u doodayay ragan ayaa ku tilmaamay xukunka mid aan cadaalad aheyn, iyagoo sheegay inay racfaan ka qaadanayaan. Dhowaan ayay aheyd markii Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay xukun dil ah ku riday 12-ruux oo uu ku jiro Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane, kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilkii sanad ka hor Boosaaso loogu geystay Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan. Puntland ayaa dhowaan ku baaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kadib banaan bax ballaaran oo looga soo horjeeday dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo bartamihii bishii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Garowe, isagoo masaajid ku dukanayay salaadi casirka.

Idale News Mogadishu