Daawo Video:Xaaladii Ugu Danbeesay ee Magaalada Buurhakaba & Xooga Ciidanka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amisom Goobaha ay

0
216

Xaalada magaalada Buurhakaba ayaa waxaa la sheegay inay tahay mid degan oo caadi ah ka dib markii ay magaaladaas la wareegeen dhawaantaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada oo wada socda ka dib markii ay magaaladaas ay isaga baxeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo horey uga talin jirey magaaladaas.

Daawo Muuqaal Ahaan Xaaladda Magaalada Buurhakba

[vsw id=”PKgsky4Kym8″ source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Magaaladaas Buurhakaba oo ay isaga carareen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ka dib markii ay ka war heleen inay ku soo socdaan ciidamadaan huwanta ah ayaa sida uu sheegay Lt. Col. Edson Muhanguzi oo ah madaxa dagaal gelinta ciidamada AMISOM inay Alshabaab isaga baxeen goobtaas islamarkaana ay dhamaatay waqtigii kooxdaas Alshabaab asagoo sidoo kale ku sheegay inay kooxdaas aysan haysan taageerada shacabka islamarkaana ay ku jiraan go’doon ka dib markii laga xirey irdihii ay wax u soo mari jireen waa sida uu sheegay sarkaal ku hadlaayey magaca AMISOM, Sidoo kale ayaa qabashada magaaladaas ka dib waxaa kula hadlay magaaladaas dadka shacabka Brig. Gen. Ibrahim Yarow oo sida la sheegay ka soo jeedo deegaan ahaan goboladaas gaar ahaana magaalada Buur hakaba, asagoona ninkaas ku eedeeyey Alshabaab kuwo qas wadayaal ah islamarkaana cabsi awgeed uga cararay magaaldaas Buur hakaba.

Ugu dambeyntiina iyadoo kooxda Alshabaab ay meelo yar oo fara ku tiris ah ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya ayaa dagaalka lagula jiro kooxahaasi waxaa uu u muuqdaa mid aan soo af jarmeynin maadaama ay marka meel laga saaro ay meelo kale oo hor leh ay ka soo muuqanaayaan, Laakiin dowlada ayaa waxaa ka go’an inay maleeshiyaadkaas ay ka sifeyso dhamaan dalka Soomaaliya gebi ahaantiis.

Idale News Muqdisho