Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida Oo Dil Ku Xukuntay Askar Ka Tirsan Ciidammada Qalabka Sida

0
223

Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku riday askar ka tirsan Ciidammada Dowladda kuwaasi horey u geystay dambiyo kala duwan.

Xukunkan ay maanta ku riday Maxkamadda Ciidammada Askar ka tirsaneyd Ciidammada Dowladda ayaa waxaa qaaday maxkamadda darajada Koobaad ee Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxaana askarta dilka lagu xukumay ay kala yihiin:-

1-Maxamuud Cali Guure Fiidoow,2-C/laahi Cali Cilmi iyo Maxamed Jimcaale Wehliye waxaana dhammaantood ay ku eedeysnaayeen iney horey u geysteen dilal kala duwan.

Cornel Maxamed C/laahi Muuse oo ka tirsan Maxkamadda darajada koobaad ee Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo xukunkan u faah faahiyey Saxaafadda ayaa tilmaamay in askartan maanta dilka lagu xukumay lagu helay marqaatiyo iyo cadeymo ku filan muujinta dembiyada ay horey u geysteen oo ahaa dilal.

Xukunkan dilka ah ee ay maanta riday Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah xukunno ay horey maxkamaddu ugu xukuntay Askarta geysata dambiyada ay dilalka ka midyihiin kuwaaso oo xukunka lagu xukummo lagu fuliyo.

Idale News Muqdisho