Taliska ciidamada booliiska gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in amaanka gobolka uu aad u wanaagsanyahay wixii ka dambeeyay markii ciidamada Booliisku ka howlgaleen gobalkaasi.
Qorshayaasha ku aadan iskaashi xaga amaanka ah oo dhex mara ciidamada amaanka gobolka Shabeelaha Hoose iyo dadka deegaanka ayaa sii xoogaystay markii inta badan deegaanada gobolkaasi looga itaalka roonaaday kooxda Shabaab oo dhibaatooyin ku hayay shacbka gobolka.
Tusaale ahaan magaalada Marka ee xaruunta gobolka Shabeelaha Hoose iyo goobo kale oo ay ku jirto degmada Afgooye ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka socday wacyi gelin bulshada si ay kaalin mug leh uga qaataan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen hay’adaha nabad geliyada.
Saraakiisha dowlada Soomaaliya ee gobolka Sheelaha Hoose ayaa sheegay in laamaha amaanka iyo shacbakuba ay si isku duubni ah uga shaqeynayaan amniga, taasi oo ku dareensiinaysa in dadku ay ku daaleen cadaadis gaamurey oo ay ku hayeen maleeshiyada Shabaab.
Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Sheelaha Hoose Xasan Cabdulle Bashiir ayaa sharaxaya wadashaqeynta kala dhexeysa shacabka iasgoo intaasi ku dareyn in ay diyaarinayaan ciidamo kale oo lageeyo deegaanada kale kadib marka laga xoreeyo maleeshiyaadka Shabaab.
Gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu ka mid ahaa goobaha ay maleeshiyada Shabaab ay dadku ku dhibaateynjireen aydoo hada ciidamada qalabka sida iyo kuwa midowga Africa ay ku guuleysteen soo celinta rajada dadka shacabka ah ee ku nool gobolkaasi.
Idale News Muqdisho