Shir looga hadlayo Maamul u sameynta Jubooyinka ayaa ka furmay magaalada Kismaayo

0
214

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhow uu si rasmi uga furmay shirkii Maamul u sameynta deegaanada Jubooyinka, iyadoo shirkan ay soo xaadireen Ergooyin fara badan oo ka kala socda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Shirkan oo hada ka socda Jaamacada Kismaayo ayaa ah mid wada tashi ah oo looga hadlayo sidii loo ambaqaadi lahaa maamul u sameynta Jubooyinka, waxaana shirka khudbado ka jeedinayay qaar ka mid ah xubnaha ka soo qeyb galay, kuwaasoo ku dhiira gelinayay dhinacyada in lagama maarmaan tahay in maamul loo dhan yahay ay sameystaan dadka deegaanada.

Furitaanka shirka oo uu ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha gudiga farsamada ee maamul u sameynta Jubooyinka Maxalin Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in muddo dheer ay socotay qaban qaabada shirkan, isla markaana maanta ay tahay maalin weyn oo ay sugayeen in shirkan ugu dambeyn uu furmo, maadaama howshiisa muddo la soo waday.

Gudoomiyaha gudiga farsamada ayaa sidoo kale tilmaamay in 800 ergo ay ka qeyb galayaan shirka, kuwaasoo ka kala imaanaya saddexda gobol ee qorshuhu yahay in loo sameeyo maamul goboleedka sida Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay sugayaan in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay shirka ka soo qeyb galayaan, inkastoo dowladda aanay ku qanacsaneyn shirka iyo qaabka loo abaabulayay, hadana ma jirto ilaa iyo hada wafdi ay dowladda u dirtay.

Gudoomiyaha Maamulka KMg ah ee KIsmaayo Axmed Madoobe oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid ay ku dhisayaan maamul ay raali ka yihiin dadka deegaanka, isagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay qaadato kaalinteeda, waxaana uu dar daaran u jeediyay ergada shirka ka qeyb galeysa.

Shirkan ayaan loo cayimin waqti, hase ahaatee waxaa la hadal hayaa in gaba gabada shirka lagu soo dhiso maamul goboleed ay yeelanaya saddexda gobol ee Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Dhinaca kale shir wada tashi ah oo maanta lagu soo gaba gabeeyay xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira in inta aan la dhisin maamul goboleedka xooga la saaro sidii Al-Shabaab looga saari lahaa goboladaas, isla markaana dhismaha maamulka laga hor mariyo shirweyne dib u heshiisiin oo ay isugu yimaadaan beelaha dega Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Idale News Mogadishu