Maamulka ku Meel Gaarka Kismaayo oo Xaqiijiyay Xasilooni Buuxda oo ka Jirta Magaaladaas

0
218


Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee Gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in guud ahaan magaaladaasi xiligan ay ka jirto Xaalad aad u deggan isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo ka taagan.

Af Hayeenka maamulka ku meel gaarka Kismaayo Seeraar oo waraysi siiyay qaybaha war baahinta ayaa sheegay in magaaladu ay xasilan tahay isla markaana wararka la buun buuninayo aysan ahayn kuwo sal iyo raad leh.

Af hayeenka ayaa ku sheegay isku dhicii halkaa ka dhacay mid u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuiwa Maamulka hase yeeshee sawir kale loo yeelay waa siduu hadalka u dhigaye isagoona sii tilmaamay in laga dhigay dagaal u dhaxeeya laba Beelood.

Seeraarr oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in arrintaasi haatan laga gudbay wax saameyn ah oo hawlihii maamulkooda ay ku reebtayna aysan jirin waa siduu hadalka u dhigaye.

Af hayeenka maamulka ku meel gaarka ee Gobolka Jubada hoose ayaa dhinaca kale ka hadlay Shir weynihii maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka isagoona hoosta ka xarriiqay in shirkii si rasmi ah uu magaalada kismaayo uga Furmi doono Maalinta Berri ah.

Cabdinaasir Seeraar Af hayeenka ayaa ka hadlay xaaladda ammaanka ee magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in ay tahay mid sugan oo la isku haleyn karo isla markaana ay Ciidanku gacanta ku hayaan ammaanka Magaalada.

Cabdinaasir seeraar af hayeenka maamulka ku meel Gaarka Gobolada Jubbooyinka ayaa xusay in iminka magaalada ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Ergadii shirka ka qayb geli lahayd isla markaana maanta la sugayo in qaar kale ay soo gaaraan Magaalada kismaayo kuwaasoo ka qayb galaya Shirweynaha maamul u sameynta Gobolada gedo iyo Jubbooyinka.

Hadalkan af hayeenka Maamulka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli weli dadaal loogu jiro qabsoomidda Shirka Jubba land oo hadalo kal duwan ay ka soo baxayaan.

Idale News Muqdisho