Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo howl galo ay ka sameeyeen Beledweyn ku qabtay 30-dhalinyaro

0
196

Howl galo ay si wada jir uga qeyb qaateen Ciidamada Nabadsugida, Booliska iyo Ciidamada AMISOM ayaa waxay ku soo qabteen ilaa sodomeeyo dhalinyaro, kuwaasoo qaarkood tahriib ku marayay.

Ciidamada ayaa howl galka ka sameeyay xaafadaha Beledweyn iyo deegaanada hoos yimaada, waxaana uu ka dambeeyay markii ciidamada ay ka war heleen in dhalinyaro ku cusub magaalada ay soo galeen.

Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyn Cabdi Dhuux Mahad Alle oo saxaafada u soo bandhigay dhalinyarada ayaa sheegay inay ka yimaadeen Koofurta Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in magaalada ay tahay meel koontaroolan.

“Dhalinyarada waa iska soo galeen dhamaantood waxay ka yimaadeen Gobolada Koofureed, sagaal ka mid ah waxay dhaheen magaalada joogeen, 13-waxay dhaheen waa ka soo tageynaa, marka baaritaankii iyo shakigii ayaa socda”ayuu yiri Taliyaha.

Ma ahan markii u horeysay oo howl galo ay iska kaashanayaan Ciidamada dowladda iyo Ciidamada AMISOM laga sameeyo qeybo ka mid ah magaalada Beledweyn iyo deegaanada hoos-yimaada, waxaana ammaanka magaalada uu mudooyinkii u dambeeyay ahaa mid soo hagaagayay.

Idale News Muqdisho