Wasiirka difaaca “saacadaha soo socdo ayaan isku fureynaa wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

0
214

Wasaaradda Difaaca dalka ee xukuumda Soomaaliya ayaa sheegtay in si rasmi ah loofuri doono wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Baydhabo saacado ka dib markii ay ciidamada xooga dalka iyo kuwa Amisom ay la waregeen degmada buur hakaba ee gobolka Bay.

Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji oo wareysi gaar siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in saacadaha soo socdo la isku furayo wada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo si ay shacabka ugu maraan si nabad galyo ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in wax lagu farxo ay tahay in ciidamada ay la wareegaan dagmada  Buur hakaba oo ay dowladda in mudo ah qorsheyneysay sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd iyadoo aanan waxyeelo loo geysan dadka shacabka ah.

Wasiirka gaashandhiga ayaa ugu dambeyntii shacabka ugu hambaleyay guulaha ay gaareen ciidamada Qalabka sida isagoona ugu bishaareeyay in saacadaha soo socda ay si dhib yari leh ku mari doonaan wada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Ciidamada Xoogga dalka oo kashanaya kuwa ka socday wadamada deriska ah ee nabad ilaalinta u joogo dalkeena ayaa saakay si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Buur hakaba halkaas oo ay horay ugu sugnayeen maleeshiyada kooxda awoodooda la wiiqay ee shabaab.

Idalenews Mogadishu