Fanaan caan ah oo si kulul u weeraray Dowlada iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Muxu ka sheegay (Daawo Muuqaal+Warbiixn)

0
240

Fanaanka caanka ah ee reer Jabuuti ee lagu magacaabo Cawaale Aadan ayaa waxaa la sheegay inuu si kulul u weeraray dowlada iyo madaxweynaha dalka Jabuuti asagoona ku sheegay inay ka been sheegeen natiijadii doorshadii ka dhacday dhawaantaan dalkaas oo uu ku tilmaamay mid la weecsaday ama lagu shubtey.

Daawo Muuqaal Ahaan Weerarka uu Qaaday Fanaan Cawaale Aadan
[vsw id=”mAbEoUzUNLs” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Fanaankaan Cawaale Aadan oo dhawaantaan ka hadlaayey arintaas ku saabsan siday u dhacday doorashadii baarlamaanka ee dalka Jabuuti xilli uu ku sugnaa magaalada Ottawa ee dalkaas Canada ayaa sheegay in doorashadaas natiijadii ka soo baxday aysan ku qanacsaneyn asagoona ku sheegay in la marin habaabiyey oo been laga sheegay natiijadaas, Fanaankaan ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga talada dalka haayo ee UMP iyo madaxweynaha dalkaas Jabuuti ay ka been sheegeen natiijada doorashadaas islamarkaana ay leexsadeen natiijadii doorashadaas ayna sheegteen guul aysan waxba ka jirin, Cawaale Aadan ayaa waxaa uu kula taliyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele inay ka waantoobaan in culkumada iyo mashaa’iqda waaweyn ee dalka Jabuuti lagu sheego argagaxiso, asagoo sidoo kalena kula taliyey madaxweynaha dalkaas inuusan waxba isku dhejin xukunka dalka maadaama uu soo xukumay dalkaas xilli ku filan hadana la joogo waqtigii uu xilkaas isaga degi lahaa oo uuna ku wareejin lahaa cida ay shabka reer Jabuuti doonayaan inay ka taliso dalkaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo laga yaabo inay dad badan is weydiin karaa waxa qof fanaan ah daba dhigay inuu ka hadlo arimo siyaasadeed ayaa fanaankaan oo arintaas ka jawaabayey waxa uu sheegay inay fanaaniinta dadkooda oo la dulmaayo qaada heesaha jaceylka ah ay ka sharaf badan yihiin fanaaniinta u istaago inay dadkooda ka dul qaadaan dulmigaas asagoona tusaale ahaan u soo qaatey Axmed Mooge, Bob Marley, Alpha Blondy oo uu sheegay inay dhamaantood ahaayeen fanaaniin ku lug lahaa arimaha siyaasada kana heesi jirey arimahaas, Fanaanka Cawaale Aadan oo hada u muuqdo inuu yahay taageere weyn ee xisbiga mucaaradka ee USN ayaa waxaa uu horey u ahaan jirey nin taageero dowlada dalkaas ka dhisan islamarkaana u qaadi jirey heeso lagu amaano dowladaas laakiinse arintaas ayaa u muuqata hada mid gebi ahaanba meesha ka bavday.

Idale News Muqdisho