Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya oo ka qeyb galayay shirka Isgaarsiinta caalamka oo ka socda wadanka Spain ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkaasi ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Soomaaliya.
Shirka isgaarsiinta aduunka oo ka soconaya dalka Spain ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin dhinaca isgaarsinta ah oo caalamka ka socota ayaa waxaa dalkena uga qeyb galay wasiirka warfaafinta isgaarsiinta, gaadiidka, cirka iyo dhulka xukuumada Soomaaliya waxaana looga hadlayaaa hormarada isgaarsiinta caalamka, sidii loo balaarin lahaa.
Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka xukuumada Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in wada hadal gooni ah uu layeeshay madaxweynaha isgaarsiinta aduunka islamarkana ay ka wada hadleen sidii loo hormain lahaa isgaarsiinta caalamka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in go’aano wax tar u leh Soomaaliya ay ka soo bixidoonaan shirkaasi.
Shirka isgaarsiinta aduunka ee Parcilona ka socda ayaa furmay maalinta isniinta aheyd ee 25-ka bishan, waxa ayna dhamaan ka qeyb galayaashu isku raaceen in la taageero sidii loo hormarin lahaa isgaarsinta Soomaaliya waxaana la soo gaban gabeen doonaa maalinta khamiista ah ee 28ka bishan iyadoo la filayo inay ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah horumarinta Isgaarsiiinta caalmka.
Idale News Muqdisho