Ciidamo Kenyan ah oo ku kala Dhax jira Dhinacyada isku haya Magaalada Kismaayo Amar adagna kusoo rogay laba Dhinac ee Dagaalamay

0
219

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Gudaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan Goobaha ee isku horfadhiyaan Dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay Kismaayo lagu arkayo Ciidamo Badan oo Kenyan ah.

Ciidamadan Kenya kasocda ee wata Magaca Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ee ku kala dhax jiraan labada Dhinac ee dhawaan Dagaalamay iyagoona ku amray in eesan dhinac uusan wax xabad ah haba yaraatee eesan ridi Karin.

Ciidamadn Kenyanka ah ee labada Dhinac ku kala dhax jira ayaa wata gaadiid dagaal oo aad u badan iyagoo sidoo kale isku dayaya in ee dajiyaan xiisada ka dhaxeysa Labada Ciidan oo markii hore hal hadaf kusoo galay Magaalada Kismaayo balse hada qaab qabiil u kala baxay.

Labo Maalin kahor ayaa Magaalada Kismaayo waxaa Dagaal aad u culus uu ku dhax maray Ciidamo katirsan Kooxda Raaskanbooni iyo sidoo kale Ciidamo wata Magaca Ciidanka Xooga Soomaaliyeed kuwaa oo iyagu qaab qabiil ku dagaalamay laba dhinacna kala noqday.

Idale News Muqdisho