Saraakiisha Somalia oo maanta tababaro looga furay Muqdisho

0
214

Waxaa maanta Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia ka furmay Tababaro lagu kordhinaayo garaadka Saraakiisha Ciidamadda Xooga dalka oo tiradooda lagu sheegay 120 Sarkaal
Tababarka la siinaayo Saraakiisha Ciidamadda Xooga dalka Somalia ayaa waxaa fangareynaya Hay’adda (Bangaraafta) waxaana Tababarka bixinaaya Saraakiil sar sare oo ka tirsan kuwa AMISOM iyaga oona sheegay inay tababarkaasi ku kala sooci doonaan Saraakiisha Khibrada leh iyo kuwa aan lahayn Khibrad ku filan.
Xarunta uu ka furmay Tababarka ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Taliyaha ciidamada xooga dalka Cabdulqaadir Sheikh Cali Diini, iyo Saraakiisha guud ee Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM kuwa iminka jooga Magaaladda Muqdisho.
Taliyaha ciidamada xooga dalka Cabdulqaadir Sheikh Cali Diini ayaa sheegay in Saraakiisha laga dhisaayo dhanka Xeerka guud ee Saraakiisha caalamka iyo xeerarka dagaalka qaabka loo howlgaliyo ciidamada.
Cabdulqaadir Sheikh Cali Diini waxa uu sidoo kale sheegay in Tababarka uu ahaan doono mid socda muddo gaaban, marka uu soo idlaado Tababarkaasi la doonaayo inay la wareegaan Saraakiisha iyo Ciidamadda Xooga dalka Deegaanada ay ku harsan yihiin Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab.
Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha AMISOM oo si yaabo kala duwan Xarunta uu tababarka ka socdo Khudbado uga jeediyay ayaa sheegay inay u muuqato Horumar baaxad weyn islamarkaana Saraakiisha Somalia ay dhan waliba ka dhisan yihiin balse loo baahanyahay dhameystir yar dhanka Howlgalada in la siiyo Saraakiisha.
Idale News Muqdisho