23/02/2013 shir ay iskugu yimaadeen Jaaliyadda Koonfurgalbeed Soomaaliya ee malaagada manchester ee wadanka Ingiriiska ayaa dhaqaalo lacageed oo caddadeed gaareeysa 6,600 oo Dollarka mareykanka ah ugu deeqey Isbitaalka Wayn ee malaagada Baydhabo ee Xaruurta Gobolka Bay .
Shir Gudoonka ahna afhayenka ku meel gaar ah ee Jaaliyada Manchester, Marwo Habeey Ebdi Hadame Oo shirka kadib Saxaafada lahadashey, ayaa waxey Faahfaahin ka bixisey Howl Gurmadeedka Dhaqaalo aruurinta ahayd ee ay wadeen muddo bil ah , dhaqaalahaas oo ay ugu talo galeen in si deg deg ah wax looga qabto dhilaatooyin badanoo kajira gudaha dalka , gaar ahaan Gobolada Koonfurgalbeed Soomaaliya .
Marwo Habeey Ebdi Hadame Ayaa sheegey in dhaqaalahaasi ay si gaar ah ugu talo galeen in wax loogu qabto Isbitaalka wayn ee Magaalada Baydhabo, ayna ku wareegin doonaan Mas, uuliyiinta Isbitaalka Baydhabo .
” Qof ay ku danbeeyso Soomaalinimo iyo kan islaanimoba , macluusha iyo dhibaatada caafimaadeed ee ka jirta gudaha dalkeena hooyo , Gaar ahaan Gobolada Koonfur-Galbeed ee aan anaga ku abtirsano , mahan mid uu indha ka laaban karo” ayay tiri marwo Habeey.
Warwo Habeey Ebdi Hadame Ayaa sidoo kale sheegtey in Jaaliyada Koonfurgalbeed Soomaaliya ee Dhaqan Gobolka Manchester ay ka go,antahay in hada wixii ka danbeeya si wadajir ah iskaga kaashandoonaan sidii wax qabadka Muuqda ee kabiloowdey Gobolkaan Manchester.
Gobolada Koonfurgalbeed oo ah meelaha Soomaaliya ugu wax soo saarka fiican laakiin hadana ah dadka Deegaanadaasi dadka Soomaaliya oo dhan ugu saboolsan.
Ugu Danbeyntii Marwo Habeey Ebdi Hadami Ayaa waxey ku boorisey dhamaan Jaaliyadaha ka soo jeeda Gobolada Koonfurgalbeed Soomaaliya ineey ku daydaan Talaabada Jaaliyada manchester uk , isla markaana Marwo Habeey Ebdi Hadami uga digtey Khilaafka iyo isliidida marwalba soo kala dhex gasho , marwo Habeey Ebdi Hadami Ayaa ku sheegtey khilaafka mar walba ka dhex dhasay inuu yahay in ay ka soo shaqeeyaan dad Cadow ku ah jiritaanka Qoomiyadaha dega Gobolada Koonfurgableed Soomaliya , ayna tahaybeey tiri , inaan sidaan u fahanno.
Marwo Habeey Ebdi Hadame ayaa ugu danbeeyntii waxey si gaar ah ugu mahadcelisey Ex-Gorsoore FIFA Cabduqadir Caddaay oo kaalin wayn ka gaystey soo aruurinta dhaqaalahaan .
Dadkii shirkaas kasoo qayb galey ayaa waxaa bashir shiikh isaaq, bashir macalin c/lahi, xassan c/lahi maxamed, hasey mad yaroow, siciid hussein, bishaar dhawiil, c/lahi sh isaaq,( C/laahi ganey).
Haweenka Koonfurgalbeed reer Manchester ayaa ahaa kaalinta ugu wayn ee Dhaqaalahaan soo aruuriyey , iyagoo xil gaar ah iskooda isku saarey.
Haweenka 5, 000
Ragga 1600
Halka Ex-FIFA Garsoore Caddaay uu bixiyey 1000 ka mid ah lacagta Ragga ay dhiibeen ee kun & Lixda Boqol ah .
Hablaha Soomaaliyeed ayaa Ragga ku dhaliiley in sidaasi aanan kor iskaga saarin Gacan ka geeysashada, marka ay timaado howsha noocaan oo kaleeto ah.
Idale News Muqdisho