Maxaa ka soo baxay Shirki ka socda Airporka Kismaayo

0
212

Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaan in Shir balaraan oo manta ka socday garoonka Diyaaradaha ee uu ku soo dhamaday Natiijo la,an.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galayay Wafdi Balaraan oo ka socda Dowlada Somalia waxaana  wafdigaasi horkacayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia  Cabdikariin Guleed iyo Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Geddo iyo Odayaasha Dhaqanka .

Shirkaan ayaaa waxaa diirada lagu sarayay xal u helida Shaqaaqoyinki ka dhacay Magaalada Kismaayo labo maalmood  ka hor waxaana muhiimadiisu ahaayd sidi lo kala qaadi lahaa Ciidamada isku horfadhiya Gudaha Magaalada Kismaaayo.

Inkasta oo Isgarsiinta Magaalada Kismaayo ay hawada ka maqan tahay  ayaa waxaa Shabakada Warbaahinta Kismaayo24 u sura galay in ay xiriir la samayso  Shaqsi ku sugan mid ka mid ah Xarumaha  Shirkadaha Isgarsiinta Kismaayo oo ayagu wali telefanadooda ay Shaqaynayaan waxa uu  ino  sheegen in Shirki Garoonka Diyaaradaha ka socday u ku soo dhamaday  Natiijo la,an.

Shaqsigaan ku sugaan Magaalada Kismaayo oo anu waydinay qodobada la isla fahmi wayay ayaa waxaa uu ino shegay in uusan faafahin badan ka ahayn balse kaliyah uu og yahay in wada hadaladi ay ku soo dhamadeen natiijo la,an.

Waxaa sido kale gobjoohaani uu  ino sheegay in Wafdigii  Ka socday Dowlada Somalia ee sakay ka yimid  dhanka  Muqdisho   ay galabtay dib ugu labteen   Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale  shaqsigaan ku sugan Magaalada Kismaayo waxaa uu  ino sheegay in Xaalada Magaalada ay iminka dagan tahay waxana  macquul ah in waqti kasta ay wax is badalaan.

Idale News Muqdisho