Ururka Raaskambooni ayaa wuxuu si adag uu uga soo horjeestay in uu ka qeyb geli shirweyne beri ka furmanaaya Magaalada Muqdisho, kaasoo socon doona muddo afar cisho ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shirkaan ugu talla galay in looga hadlay arrimaha Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, looguna sameeyo Maamul u gaar ah.
Gudoomiye Ku Xigeenka Sheekh Axmed Madoobe oo lagu magacaabo Macalin Maxamed Ibraahim, ayaa wuxuu caawa sheegay inuusan Ururka Xisbul Islaam, ka qeyb qaadan doonin shirka ka furmanaaya Magaalada Muqdisho.
Macalin Maxamed Ibraahim oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Guddiga Farsamada ee Maamul U Sameynta Gobolada Jubbooyinka, ayaa wuxuu shirka Magaalada Muqdisho uu ku sheegay, mid lagu doonaayo in lagu fashiliyo shirka Magaalada Kismaayo.
Madaxda Dowladda ayaa wuxuu ku eedeeyay inay ka soo qeyb geli waayeen shirkii Sabtida ka furman lahaa Magaalada Kismaayo, taasi bedelkeedana aysan iyaguna ka qeyb geli doonin shirka Magaalada Muqdisho.
Ilaa seddex Wasiiro ah oo maanta tegay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ku fashilmeyn in Ururka Raaskambooni, ay ku qal qaaliyaan ka qeyb gelida shirka Magaalada Muqdisho.
Idale News Muqdisho