Waxaa weli deggan xaalada Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, inkastoo xiisad dagaal weli laga dareemaayo Magaalada Kismaayo.
Ilaa seddex Wasiiro ah oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay kula kulmeyn Saraakiisha Dowladda Soomaaliya iyo weliba Saraakiisha Raaskambooni, ee Magaalada Kismaayo ku wada sugan.
Kulankaan ayaa waxaa kaloo ka soo qeyb galay Odayaasha iyo wax garadka ee Beelaha Ogaadeen iyo Mareexaan, oo iyagu ah kuwa wada degga Magaalada Kismaayo, isla-markaana isku dagaalamay Sabtidii la soo dhaafay.
Wasiirada maanta Magaalada Kismaayo gaaray ayaa waxay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka C/Kariin Xuseen Xuseen, Wasiirka Gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan, iyadoo uu hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu dhinacyadaan uu ka codsaday sidii looga wada shaqeyn lahaa, sidii nabad iyo kala dambeen loogu soo dabaali lahaa Magaalada Kismaayo.
Wasiirka ayaa wuxuu sheegay inaysan wax xal ah ku dhisneyn dagaalo dambe oo ka dhaca Magaalada Kismaayo, balse wuxuu soo jeediyay in laga shaqeeyo, sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada Magaalada Kismaayo isku haaya.
Idale News Muqdisho