Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo waxaa xalay ku geeriyooday Taliyihii saldhiga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, kaasoo shalay uu gaaray dhaawac culus.
Taliyaha oo shalay dhaawac culus soo gaaray ayaa loola cararay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, waxaana wararki u dambeeyay ee saaka ay sheegayaan in Taliyaha uu geeriyooday.
Sarkaalka oo saacadihii u dambeeyay lagu baxnaaninayay Isbitaalka ayaa waxaa si isdaba joog ah u soo booqanayay Saraakiisha Dowlada Soomaaliya, waxaana ay saraakiisha ad uga deyrinayeen xaalada Taliyaha, taasoo ugu dambeyn uu xalay u geeriyooday.
Saraakiisha Isbitaalka guud ee Kismaayo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu geeriyooday Taliyihii Saldhiga Magaalada Kismaayo, kaasoo ahaa saraakiisha caanka ah ee Dowlada Soomaaliya ay ku leedahay Gobolka Jubada Hoose.
Xaalada Kismaayo ayaa saaka dagan, waxaana jira dhaq dhaqaaq ciidan iyo hub aruursi ay isugu jiraan labada dhinac ee is dagaalay.
Xoogaga Raaskambooni iyo Beel ka tirsan Belaha daga Magaalada Kismaayo oo taageersan Dowlada Soomaaliya ayaa shalay fooda is daray, waxaana dagaalada ay ahaayeen kuwo kharaar.
Magaalada ayaa laga dareemayaa cabsi xoogan, waxaana shacabka ay sheegayaan in daqiiqad walba ay filanayaan dagaal ay mar kale fooda is galiyaan labada dhinac ee dagaalamay, iyagoo hada isku hub aruursanaya.
Saraakiisha Raaskambooni ayaa wali ka hadlin dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana ay wali u ciil cunayan sidii ay cagta u marin lahaayeen ciidamada ka soo horjeeda oo ah Beel kamid ah Beelaha daga magaalada Kismaayo,balse heysata taageerada Dowlada Soomaaliya.
Idale News Muqdisho