Dabley hubeysan oo saakay rasaas ku furay dad meel ku qaxweynayay Koofurta Galkacyo

0
216

Wararka ka imaanaya magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo saarneyd gaari kuwa raaxada ay rasaas ku fureen goob ay dad ku qaxweynayeen oo ku taala dhinaca koofureed ee magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka dableyda hubeysan ayaa baxsatay, iyadoo dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaal ay gacanta ku heyso Hey’adda MSF, waxaana la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay qasaaraha weerarkaas ka dhashay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda saarneyd gaariga ee rasaasta ku furay goobta ay dadka ku qaxweynayeen ay ka yimaadeen dhinaca Waqooyiga Galkacyo, hase ahaatee si dhab ah looma oga.

Inta badan magaalada Galkacyo ayaa ku caan ah weerarada lagu qaado goobaha dadka ay isugu yimaadaan, waxaana ay noqdaan kuwo salka la gala aanooyin qabiil iyo arrimo kale.

Shalay ayay aheyd markii Maamulka Galmudug uu ku guuleystay in la sii daayo shan ruux oo ka soo jeeday dhinaca Puntland, kuwaasoo loo heystay nin Ciidamada amaanka Puntland u qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa, oo ay ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Idale News Muqdisho