Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho soo gaaray

0
221

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay horboodeysay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimada Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan iyo Saraakiil ka tirsan dowladda

Bekir Bozdag ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Horumarinta dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana ay haatan ka qeyb galayaan Xaflad lagu furayo Iskuulo, Masaajid iyo Xerada Agoonto oo ay dowladda Turkiga ak dhistay Magaalada Muqdisho.

Deputy-Prime-Minister-Bekir-Bozdağ

Waxaa la filayaa in madaxda dowladda ay kula kulmaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waana markii u horeysay oo uu Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag uu soo gaaro Muqdisho, tan iyo markii ay ka baxday dowladda xilliga KMG, waxaana uu horay Muqdisho uu yimid ilaa saddex jeer.

Turkiga ayaa Muqdisho ka wada howlo mashaariic dib u dhis, iyadoo goobaha ay dib u dhiska ku sameeyeen ay ka mid ah Dugsiga Farsamada Buulo Tikniko.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Madaxtooyada, iyadoo Ciidamo la dhigay wadada Maka Al-Mukarama.

Idale News  Muqdisho