Baraawe(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta wuxuu xariga ka jaray Madaxtooyada Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose.
Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminaayay oo maanta gaaray Magaalada Baraawe ayaa ujeedka ugu weyn ee ay halkaasi u tageen wuxuu ahaa sidii xariga looga jari lahaa dhismaha Madaxtooyada Magaalada Baraawe oo muddooyinkii dambe dib u dayactir ka socday.
Guddoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre (Jeex) ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka sheegay Madaxtooyada Magaalada Baraawe shaqada Maamulka inay ka bilaabanayso Magaalada Baraawe.
“Madaxweynaha markii uu xariga ka jaraayay Madaxtooyada Magaalada Baraawe, wuxuu halkaasi ka sheegay in shaqada Maamulka ay dib uga bilaabanayso Magaalada Baraawe oo Wasiiro ka tirsan Maamulka ay soo degi doonaan si howsha u sii socoto.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baraawe.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale la sheegay ujeedka uu u tagay Magaalada Baraawe inay tahay dib u dayactir lagu sameynaayo Dekada Magaaladaasi iyo Garoonka.
Xubno Cadaan ah oo aqoon u leh dhismaha Dekadaha iyo Garoomada ayaa la sheegay inay la socdaan Madaxweynaha si ay u qiimeeyaan dhismaha Dekada iyo Garoonka Baraawe.
Magaalada Baraawe ayaa ah caasimada Koonfur Galbeed, hayeeshe Maamulka ayaa iminka wuxuu ku shaqeeyaa Magaalada Baydhabo oo KMG u ah.