Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Baraawe

0
219

Baraawe(INO)- Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo dastuurka maamulkaasi uu dhigayo inay tahay caasimada maamulka Koofur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro xarunta Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed ee dhowaan laga dhisay Baraawe.

Ammaanka magaalada Baraawe ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wafdiga Madaxweynaha Koofur Galbeed ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xarunta madaxtooyada Baraawe ayaa in muddo ah waxaa ku socdo dhisme aad u ballaaran, iyadoo qaab casri ah loo dhisay.

Tani ayaa waxay suura gelin kartaa in Maamulka Koofur Galbeed u soo guuro degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo magaalada Baydhabo ay u tahay xarun KMG ah.

Baraawe oo ah magaalo xeebeed ayaa sanadkii 2014 laga saaray Al-Shabaab, halkaasoo aheyd meelaha ay ku xoogganaayeen, kana soo geli jiray dhaqaale.