Madax waynaha wadanka Masar Max’ed Mursi ayaa ku baaqay in laga sameeyo dalka Masar doorasho Barlamaani ah taasi oo ka bilaabanays wadankaasi 27 ka bisha April iyo dhamaadka bisha June ee soo socota.
Decreetadani ka soo baxday xarunta Madax tooyada dalka Masar ayaa lagu sheegay in cod bixintu ay ka dhici doonto afar gobol oo ku yaala wadanka Masar .
Madax wayne Mursi iyo xisbigiisa Aqwaanul Musilimiinka ayaa rajaynaya inay doorashadaasi ku dhamaan doonto jawi wanaagsan isla markaasina ay yarayn doonto dibad baxyada ay mucaaradku ka dhigayaan wadankaasi Masar.
Distuurkii ay sameeyeen bishii December ee sanadkii hore dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee dalka Masar ayay sheegeen siyaasiyiinta mucaaradka inuu soo afjaro dhibaatada dalka Masar ka taagnayd.
Siyaasiyiinta dalka Masar ayaa iyagu si wayn ugu kala qayb samay siyaasada dalka Masar iyo hogaankeeda iyadoo dibad baxyadii ka dhashay arintaasi ay saameeyeen guudahaan dhaqaalaha iyo amaanka wadanka Masar.
Idale News Muqdisho